Saturday, May 30, 2026
HomeWararMas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile & Askar oo qarax lagu dilay

Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile & Askar oo qarax lagu dilay

Qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Amniga degmada Deeyniile Cabdisamad Ugaas Xaashi ugaas Faracade iyo Saddex Askari oo la socotay xilli ay marayeen qeyno kamid ah degmadaasi Deeyniile.

Qaraxa ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Maamulka iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Aaga halka lagu Magacaabo Saqiiro, hayeeshee Taliyaha Amniga iyo askarta la socotay oo gurmad u ahaa qaraxa loo dhigay.

Xubno ka tirsan laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaa Risaala u sheegay in qaraxa uu ka dhacay duleedka Isbitaalka degmada Deeyniile, waxaana Taliyaha Amniga degmada Deeyniile la dhintay Askar lagu kala Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Wehliya (Fajagaal),  Cabdicasiis indha-Murux Cabdulle (Ariirow) iyo mid Magaciisa lagu soo koobay Miiroow

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu dilay dadkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada Maamulka ay wadaan howlgallo kala duwan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe