Sunday, May 31, 2026
HomeWararWafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay soo dhaweeyeen.

Xoghaye Dr Workneh Gebeyehu ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dowladda Soomaaliya , saaxiibada caalamka iyo dhinacyada mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ku saabsan doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha horyaalla doorashada iyo sidii deg deg loogu dhameystiri lahaa.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaaleysa sidii Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah loogana gudbi lahaa caqabadaha taagan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe