Sunday, August 9, 2026
HomeWararAl-Shabaab oo sheegtay inay dileen Gudoomiyihii Maxkamadda Buurhakaba

Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Gudoomiyihii Maxkamadda Buurhakaba

Weerar ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lala beegsaday guddoomiyihii Maxkamadda degmadaas Manuur Sheekh Yuusuf.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in bartamaha degmada Buurhakaba ay ku toogteen guddoomiyaha Maxkamadda degmada Buurhakaba, in kastoo faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Buurhakaba weli kama hadlin falkaas, hayeeshee warar ay heshay Risaala ayaa sheegaya in uu jiro weerarka lagu dilay guddoomiyaha Maxkamadda degmada Buurhakaba.

Degmada Buurhakaba oo kamid ah degmooyinka ugu amniga wanaagsan degmooyinka Gobolka Baay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro lala beegsada Ciidamada igo mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe