Sunday, May 31, 2026
HomeWararCiidanka Kumandooska DANAB oo degaano la wareegay

Ciidanka Kumandooska DANAB oo degaano la wareegay

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Howlgal qorsheysan ka fuliyren degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen degaanada kala ah Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo kamid ah Gobalka Sh/hoose, isla markaana ay bur buriyeen Saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay Ciidamada sii wadi doonaa ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Hoose oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.
Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo qorsheysan oo qaarkood degaano ay kula wareegeen waxaa ay ka sameeyeen meelo kamid ah Gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe