Wednesday, May 27, 2026
HomeWararCiidanka dowladda Soomaaliya oo howlgallo sameeyay

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgallo sameeyay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad oo ay wehlinayaan kuwa Nabadsugida ayaa waxaa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen degmada Buulo-burde & deegaannada hoostaga ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ciiidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen dhamaan Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Buulo-burde iyo tuulooyinka u dhow dhow, waxaana saraakiisha Ciidamada ay ujeedka ku sheegeen in maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay kusoo badanayeen degaannada u dhow degmada Buulo-Burde.

Kusimaha taliyaha qeybta 27aad Xasan Maxamed Garaad & taliyaha Ururka 41aad guutada 5aad ee qeybta 27aad Maxamed Muumin Cilmi ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga degmada Buulo-burde iyo degaannada hoostaga.

Waxaa ay ka dalbadeen Shacabka kunool degmada Buulo-burde inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga si looga hortago falalka Amni darro oo ay geystaan Al-Shabaab.

Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolkaas oo ay mararka qaar weeraraan Al-Shabaab, waxaana ku sugan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe