Sunday, May 31, 2026
HomeWararFarmaajo oo ka qeyb galay caleemo saarkii Abiy Axmed

Farmaajo oo ka qeyb galay caleemo saarkii Abiy Axmed

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaaasabadda Caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal..

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe