Wednesday, April 29, 2026
HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo safar dhulka ah ku tagay Cadaado

Madaxweynaha Galmudug oo safar dhulka ah ku tagay Cadaado

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka ambabaxay Dhuusamareeb ayaa waxaa galbiyay kolonyo ciidan ka tirsan kuwa Galmudug oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka.

Waxaa soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Cadaado ayaa la xiriira u kuurgelida xaalada deegaanka, mida nololeed iyo amniga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa inta uu joogo Cadaado waxaa uu kulamo is xog wareysi la qaadan doonaan maamulka deegaanka odayaasha, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Degmada Cadaado ayaa masaafo ahaan u jirta Dhuusamareeb illaa 77KM, waddo laami ah ayaa saaran, inkastoo meelo qaar ay burbursan yihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe