Wednesday, April 29, 2026
HomeWararTurkiga oo shaaciyay khasaaraha soo gaaray injineerada Maanta la qarxiyay

Turkiga oo shaaciyay khasaaraha soo gaaray injineerada Maanta la qarxiyay

Dowladda Turkiga ayaa faah faahin guud ka bixisay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee shaqaalaha turkiga ee dhismaha ka wada wadada u dhaxeysa Muqdisho & Afgooye kasoo gaaray  qaraxa lala beegsaday.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa oo ismiidaamin ahaa lagula beegsaday Injineradooda wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Bayaanka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Afar Qof oo uu kujiro Sarkaal Turkish ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar qof oo kale oo turki ah.

Sidoo kale Dowladda turkiga ayaa sheegtay inay cambareeyneyso falkaasi qaraxa ahaa ee lagu weeraray Injineeradooda u Shaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay inay dadaalkooda sii wadi doonaan.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi lala beegsaday injineerada Turkiga, iyada oo weli aysan la hadlin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe