Xiisad ka taagan Dhuusamareeb
Xaalad kacsan ayaa caawa ka jirta magaalada Dhuusamareeb iyadoona xiisadan ay ka dhalatay kadib markii ciidamo katirsan dowlada ay rasaas ku fureen guriga Sh Shaakir ka dagan yahay magaalada
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ee ku sugan xarunta Shiirkole ee Dhuusamareeb ay rasaaseeyeen guriga Sh Shaakir oo ka agdhow xarunta
Lama soo sheegin qasaaro ka dhalatay rasaasta balse ciidamo taabacsan Ahlu Sunna ayaa gaaray Guriga Sh Shaakir waxaana jira xiisad ay sababtay rasaasta
Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa caawa la waregay xarunta degmada Dhuusamareeb la wareegistan ayaana sii kicisay xiisada jirta

