Hogaanka Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay Dhuusamareeb
Madaxda ugu sareysa maamulka Ahlu Sunna ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo isugu jira aruursi ciidan iyo abaabul maamul sameyn
Qorshaha Ahlu Sunna ayaa ah inay bilaaban dhismaha maamul Galmudug oo ay garwadeen ka yihiin maadama dowladu sidoo kale wado dhismaha maamul Galmudug oo aan laga tagelin
Kulamo saacadihii lasoo dhaafay ay yeesheen hogaamiyaasha Ahlu Sunna ayay isla garteen in magaalada Dhuusamareeb ay ka bilaaban abaabul ay ku dhisayaan maamul
Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa qeybo kamid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud kawada ciidamo aruursi iyagoona doonaya inay ka hortagaan is hortaag ay ciidamada dowladu ku sameeyaan qorshahooda maamul dhisid
Shalay ayay aheyd markii Ahlu Sunna soo magacaaben gudiga doorashada Galmudug balse dowlada ayaa maanta Dhuusamareeb keentay gudigii doorashada Galmudug ee horey u magacowday
Dhinaca kale dowlada ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku celisay xubin kamid ah gudigii shalay uu magacaabay Sh Shaakir kaasi oo kusoo wajahnaa Dhuusamareeb
Lama oga halka ay ku dhamaan doonto is garab riixa u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo dowlada kaasi oo salka ku haya awood qeybsiga Galmudug

