Faahfaahin dagaalamayaal Alshabaab ah oo maanta la wareegay degmada Camaara ee gobolka Mudug
Gaadiid dagaal oo Alshabaab wateen ayaa maanta tagay magaalada Camaara waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay gudbinayaan odayaal dhaqameed soo xulay ergadii dooratay xildhibaanada faderaalka kuwaas oo ka imaanaya dhanka Gaalkacyo loona gudbinayo Xarardheere
Al shabaab oo saacado kooban joogay Camaara ayaa odayaashii u gudbiyay dhanka Xarardheere
Degmada Camaara ayaa dhawaan ciidamada Danab kasoo xireen 3 ruux oo lala xariiriyay Alshabaab waana deegaan aysan cidna maamulin

