Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Thani ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, iyadoo uu soo dhaweeyay raysal wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed.
Wasiirka Qatar ayaa kulan la qaatay Raysla Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Qatar ka wado Soomaaliya.

