Dhalinyarada reer Cadaado ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah Gudoomiyaha degmada Waberi ee magaalada Muqdisho Mahad Cilmi ugu sameeyay deeganka Doon-gaale ee duleedka Cadaado
Gudoomiye Mahad oo ka mahadcelshay soodhaweynta ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mataaneynta degmooyinka Waaberi iyo Cadaado
Cadaado ayaa maalmahan waxaa kusoo qulqulayay masuuliyiin iyo dhalinyaro u soo dalxiis tagayay deegaanka


