Sunday, April 19, 2026
HomeWararSAWIRO:-Saraakiil Iyo Askartii U Badneed Ee Somaliland Ka Soogoosatay oo Puntland Isku...

SAWIRO:-Saraakiil Iyo Askartii U Badneed Ee Somaliland Ka Soogoosatay oo Puntland Isku Dhiibtay

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag waxaa ay Maanta kusoo dhaweeyeen taliyeyaal iyo Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,balse kusoo biiray dhinaca Puntland.

Taliyeyaasha oo Soomaaliland ugu Mgacaawnaa Gobolka Sanaag ayaa  Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland Janaraal Nuux Ismaciil Taani oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana saraakiishaan ay hoggaaminayaan Ciidamo ku dhow 100 Askari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland iyo waxgarad ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay kulan deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag kula qaateen saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa.

Xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ee dhinaca Gobolka Sanaag ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoogeysatay,waxaana abaabul dagaal uu ka socdaa degmada Badhan ee Gobolka sanaag halkaas oo ay ku sugan yihiin Wasiirka amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Galan iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale xiisadaas ayaa waxaa ay saameysay Maamulkii Magalada Badhan ugu Magacaawna Soomaaliland,iyada oo Guddoomiyihii Magaaladaas uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxaana Guud ahaan gobolka Sanaag laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan labada dhinac.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe