Tuesday, May 26, 2026
HomeWararXuseen Ceelaabe Faahiye wasiirkii hore arimaha dibada Somaliya oo ku geeriyooday qaraxii...

Xuseen Ceelaabe Faahiye wasiirkii hore arimaha dibada Somaliya oo ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxda dowlada Somaliya oo ka tacsiyeeyay geeritida kutimid wasiirkii hore arimaha dibada Somaliya Marxuum Xusen Ceelaabe Faahiye oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Muqdisho

Tacsi Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye

Muqdisho, May 22, 2019 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Saciid Xaaji Maxmuud Faarax , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Lataliye Sare iyo Khabiir Wasaaradda oo maanta oo ah Arbaco, 22 May, 2019 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saaka agagaarka Daljirka Dahsoon ee Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Debadda, Xanaanada Xoolaha, daryeelka naafada iyo agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Debadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe