Wararka Aan Ka Haylayno Degmada Xreaale Ee Gobolka Galgaduud Waxaa Ay Sheegayaan In Dagaal Cusul  uu Saakay Halkaa Ka Socdo In Kastoo Waqtigaan uu Dagaalku Socdo Hadana Lama Oga Rasmiyay Cida uu Dhaxeeyo.
Dadka Deegaanka oo Aan Xiriiro Kala Duwan La Sameenay Waxaa Ay Inoo Sheegeen In Kaliya Dagaal  Xoogani oo Waa Barigii Saakay Bilowday uu Hada Ka Socdo Qeebo Ka Mid Ah Degmada Xeraale Balse Aysan Rasmiyay U Xaqiijin Karin Cida uu Udhaxeeyo Dagaalkaasi
Warar Kale oo Madax Banaan Ayaa Sheegay In Dagaalkaasi uu Dhaxeeyo Maleeshiyaad Dhinaca Magaalada Dhuusamareeb Ka Yimid Iyo Maleeshiyaad Kale oo Iyagu Ku Sugnaa Xeraale
Dhorjeer oo Hore Maamulka Degmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud Ayaa Ururka Ahlusuna Ku Eedeeyay In Ay Dulaan Ku Soo Yihiin Degmada Xeraale

