Duqaymo ay Fuluyeen Diyaarado nuuca Dagaalka ayaa Xalay  saqdii dhexe Kadhacay Tuulooyin Hoostaga Deegaan Caad Ee Gobolka Mudug Sida ay inoo Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.
Midkamida Dadka Deegaanka ay Duqaymuhu Kadheceen Oo Lahadlay Codka Gobolada Dhexe Codsadayna Inaan Warfidiyeenka Loo,isticmaalin Codkiisa iyo Magaciisa Sababo Amni awgood ayaa  sheegay in Xalay Saqdii dhexe Duqaymo Lala,eegtay Tuulooyin Hoostaga Deegaanka Caad ee Gobolka Mudug.
Waxa uu xusay inaysan Garanaynin Qasaaraha Kadhashay Goobaha ay duqaymaha Kadhaceen Hase ahaate ay Maqlayeen Jugta Duqaymaha Lagu Garaacayay Deegaano uu Xusay inay Fariisimo u ahaayeen Al-shabaab.
Subixii hore ee Saaka ayuu Tilmaamay inay Diyaaradaha Dul Heehaabayeen Deegaanada ay Duqaymaha Kafuliyiin Hasse ahaa ay Hada Halkaasi iskaga Tageen Diyaaradaha Gaysatay Duqaymaha Lalabeegsada Tuulooynka  Hoostaga Deegaanka Caad Ee Gobolka Mudug.
Galinkii Dambe Ee Shalay ayay Ahaayd Markii Diyaarado Dagaal ay Duqaymo Sidaani Oo Kale Kafuliyeen Deegaano Hoostaga Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug Goobaha Duqaymaha Lalabeegsaday ayaana Lasheegay in ay  Fariisimo u ah Al-shabaab .
Waxaa Maanta Dagan Xaalada Deegaanada  Katirsan Gobolka Mudug Kuwaasi Oo Duqaymaha ay Kadheceen Ilaa iyo Hada Lama Oga Qasaaraha Rasmigaa Ee Kadhashay Duqaymaha Lalabeegsay Deegaanada Lasheegay inay Fariisimo ay u ahaayeen Al-shabaab Ee Katirsan Gobolka Mudug Sidookalana Waxaa aan caddeyn Halka Laga Leeyahay Diyaaradaha Dagaal Ee Duqaamahaani Fuliyay.
Hasse ahaatee in Tabadan Waxaa Duqaymo iyo Dilal Qorshaysan oo Lagu Bartilmaameedsanayo Al-shabaab Kafuliya Gudaha Soomaaliya Maraykanka Oo Soomaaliya Kagacansiiya Ladagaalanka Al-shabaab.

