Axmed Macalin Fiqi Oo Ah Mudane Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Qoraal Soo Dhigay Bartiisa Xariirka Bulshada Ee Face-book Ayaa Waxa Uu Si Kulul Uga Jawaabay Weerarkii Dhinaca Afka Ahaa Ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/rxamaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Uu Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka Ku Ah Dawladda.
Xildhibaanka Ayaa Guddoomiye Yariisow Ku Dhaliilay Arrimaha Dawladda Iyo Mucaaradka Balse Taa Badalkeed Waxa Uu Sheegay In Ay Hawlo Badan U Yaalan Oo Ay Ka Sugayaan Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Banaadir.
Sidoo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Ayaa Erayada Qaar Uu Adeegsaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ay Ka Mid Ahaayen Qaran Dumis Ku Tilmaamay Waxa Laga Soo Gudbay Oo Aanan Xuilligan Laga Hadlin.
Waxa Uu Xusay In Haba-yaraatee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Uusan Fahmi Karin Micnaha Saxda Ah Ee Erayaad Sida Uu Sheegay Xildhibaanka
Dhinaca Kale C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow Ayaa Isna Durba Ka Jawaabay Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Waxa Uuna Sheegay In Nasiib Darro Tahay In Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi U Difaaco Qaswadayaasha Buun-buuninaya Arga-gaxisa Sida Uu Hadalka U Dhigay.

