Thursday, May 15, 2025
HomeWararDawladda Canada Oo Taageereysa Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Geeska Africa

Dawladda Canada Oo Taageereysa Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Geeska Africa

Ergayga gaarka ah ee hay’adda  UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Afeey oo ku sugan dalka Canada ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa uu ku joogo dalkaasi.

Waxa uu sheegay in Dowladda Canada uu kala hadlay sidii taageero dheeri ah ay u siin laheyd qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalalka geeska Afrika oo uu sheegay in xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u hooseysa.

Amb. Afeey ayaa sheegay in uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka socdaalka Dalka Canada Axmed Xuseen iyo gudiga Baarlamaanka Canada u qaabilsan arrimaha qaxootiga isla markaasna ay u balan qaaden in ay taageero siin doonaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in uu ka codsaday dowladda Canada in ay gacan ka geysato sidii waxbarasho loo siiin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed sidaas si lamid ahna ay u fuudeyso isku socodka xurta ah ee qaxootiga maadama badi qaxootiga ku nool dalalka geeska afrika ay yihiin kuwo aanan heysan sharciyo ayku safri karaan.

“Dalka Canada waxa uu kamid yahay dalalka reer galbeedka ee taageero qaxootiga caalamka sidaas darteed ayaan kaga codsaday in ay sii xoojiyaan il gaarna u yeeshaan qaxootiga soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda qaxootiga ku ah dalalk geeska Afrika” ayuu sheegay Amb. Afeey.

Dalka Canada ayaa u muuqda dal ahmiyad gaar ah siinaya qaxootiga soomaaliyeed iyadoo soomaali badan oo dalkaasi qaxoooti ahaan u galay ugu dambeyn isku badalay siyaasiyiin xilal sare ka qabta dalkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe