Wednesday, June 24, 2026
HomeWararSawirro:- Danab Iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbalnd OoHawl-gallo Ka Wada Jubbada Hoose who...

Sawirro:- Danab Iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbalnd OoHawl-gallo Ka Wada Jubbada Hoose who discovered msg

Ciidamada Danab ee tababarka gaarka ah la siiyay iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay Deegaano hoos taga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland Sareeya Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in Ciidamada howgalkooda ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 10 qof.

Si gaar ah waxa uu sheegay in Taliye Aadan in howlgalka ay ugu sameeyeen Deegaanda Muuse Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeni oo hoos taga Jamaame.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland ayaa intaa ku daray in howlgalkooda uu ahaa mid ay horay u qorsheeyeen, kana gaareen Hadalkii ay ka lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanada ay tageen Ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxa uu ku sheegay in ay yihiin kuwo Howd ah (Keyn ah), Al-Shabaab ayuu sheegay in ay ka carareen Deegaanka kolkii ay ka dul dhaceen sida uu sheegay.

Dhanka Al-Shabaab ma jiro Wax war ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadlayaan Sheegashada Maamulka Jubbaland ee ah in ay dileen Xubno katirsan.

Sidoo kale waxa aan jirin warar ka madax banaan Maamulka Jubbaland oo Xaqiijinaya Khasaaraha ka dhashay Howlgalka ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa inta badan Howlgalo gaar ah ka sameeya Deegaano dhaca Gobolada Jubbooyinka, waxa ayna sheegaan in ay ku bartilmaameedsadaan Saldhigyada Al-Shabaab ee Deegaanadaku leeyihiin. 

https://holistickenko.com/umami/

https://holistickenko.com/umami/

who discovered msg

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe