24 saac kadib wali waa la ismari la yahay Dhuusamareeb
Wafdigii dowlada ee shalay tagay Dhuusamreeb ayaa wali qaban kulamo rasmi ah kadib markii madaxweyne Xaaf diiday inuu la kulmo
Xildhibaano Faderaalka ah ayaa saacadihii u dambeeyay waday in Xaaf la kulmo wafdiga uu horkacayo wasiir Sabriye balse wali kuma guuleysan in la isku keeno labada dhinac
Madaxweyne Xaaf ayaa diidan in gabi ahaan arko wafdiga wasiir Sabriye
Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhankooda didaal ugu jira in Xaaf soo fariisto miiska wadahadalka si loo dhameystiro heshiis hordhac ah oo ay kula jiraan dowlada dhexe
Xaalada oo wali aysan jirin isfahan ayaa la filayaa in caawa lasii wado didaalada Xaaf lagu qancinayo

