Home Warar Yurub oo fududeyneysa xayiraadaha COVID-19.

Yurub oo fududeyneysa xayiraadaha COVID-19.

28

Dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa billaabay inay khafiifiyaan bandowagii saarnaa ee la xiriiray xanuunka COVID19, waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.
Maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada ayaa furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fariisan karaan lix qof meherada gudahooda, halka banaankana ay fariisan karaan ilaa 10 ruux.

Inta badan Goobaha Ganacsiga ayaa furnaan doona ilaa sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka dabayaaqada todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.