Wednesday, May 6, 2026
HomeWararDibaddaXukuumadda & Mucaaradka Kenya oo kawada hadlaya dib u habeynta Guddiga Doorashada.

Xukuumadda & Mucaaradka Kenya oo kawada hadlaya dib u habeynta Guddiga Doorashada.

Guddi kala metalayay Madaxweynaha Talada Kenya haya William Ruto iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa isla meel dhigay qodobo dhowr ah oo ay isku maandhaafsanaayeen Xukuumadda iyo Mucaaradkeeda.

Waxa ay go’aamiyeen in si hoose loo damiyo dabka shidan ee billowgiisa kasoo ifbaxay natiijada Doorashada uu ku guuleystay William Ruto hasayeeshee uu si cad uga hor yimid musharrixii la tartamay ee Raila Odinga oo ku tilmaamay mid lagu shubtay ama la xaday natiijiadaas.

Dhinacyadaan ayaa meesha ka saaray doodda Raila Odinga oo ah in uu muran gelin karo xilka Madaxweynaha Kenya William Ruto isaga oo qaadacsan natiijada Doorashadaas balse si hoose loo dhaqi karo murankaas.

Xukuumadda dhankeeda waxaa laga dalbaday in ay joojiyo cadaadista Mucaaradka ay ku heyso si isusoo dhawaanshiyo loo muujiyo loogana hortago wax weliba oo keeni kara caqabad iyo culeys horleh sida ay isla garteen xubnaha labada dhinac.

Waxaa dhiman kulan guud oo ay isaga hor imaanayaan Madaxweynaha Kenya & Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, qodobada dabka saaran ee la karkarin doonno waxaa ugu weyn ‘dib u habeyn lagu sameeyo Guddiga Doorashada’.

Odinga ayaa sababta uu sidaas u codsanayo ay tahay in uu Guddigaas u arko in ay dhinac ka dhigeen natiijada uu heystay oo uu ku doodayo in haddii si rasmi ah loo shaacin lahaa uu xiligaan noqon lahaa Madaxweynaha 5aad ee Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto ayaa dhowaan Albaabada wadahadalka u furay mucaaradkiisa isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in kala hadlo tabashooyinka uu qabo balse loo baahan yahay in la joojiyo wax weliba oo dalka dib u dhigaya sida dibadbaxyada rabshada wata.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe