Friday, May 1, 2026
HomeWararDibaddaXukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Saddex nin oo dilal kala...

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Saddex nin oo dilal kala duwan geestay

Maxkamadda ciidamada ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo katirsanaa ciidanka maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa oo lagu helay in siyaabo kala duwan u dileen dad shacab ahaa.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay saddex askari oo katirsanaa ciidanka kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa oo labo qof oo shacab ah ku dilay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xuseen Cali Macalim  oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo isna ka tirsanaa ciidanka mlitariga ayaa saakay lagu fuliyay xukun dil qisaas ah.

Labadan nin ayaana lagu helay in magaalada Baydhabo ku dileen Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan, taariikhdu markay aheyd June 18keedii sannadkii 2018-kii, waxaana ragan laga fuliyya saakay qisaasta marxuumkii ay horey u dileen.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale saakay xukun dil ak ku fulisay Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna lagu helay in dil u geestay Isgoowe Maxamed Aadan, waxa uuna dilkan bishii June ka dhacay isla magaalada Baydhabo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe