Wednesday, April 29, 2026
HomeWararXooggaga Isbaheysiga Sacuudiga Oo Joojiyay dagaalkii ka Socday Xudeyda.

Xooggaga Isbaheysiga Sacuudiga Oo Joojiyay dagaalkii ka Socday Xudeyda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida.

Wasiir dowlaha Arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol’leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qaramada Midoobay.

Waxaa uu sheegay  in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida.

Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe