Saturday, June 20, 2026
HomeWararDibaddaXog: Madaxweyne Xasan oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshahiisa cusub

Xog: Madaxweyne Xasan oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshahiisa cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray magaalada Dhuusamareeb oo uu deganaa ku dhawaad seddax bilood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay 3 diyaaradood Dhuusamareeb uga soo rartay agabkiisii madaxtooyada iyo inta badan shaqaalaha iyo ciidankii ka joogay Dhuusamareeb.

Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ka joogta Dhuusamareeb waxay bixi doonaan maanta oo Talaado ah, hadaba muxuu yahay qorshaha Madaxweynaha.?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta as.

Sida ay ogaatay   warbaahinta , Madaxtooyadu waxay qorsheysay in  Maxaxweynuhu uu Muqdisho sii deganaado muddo bil ah, iyadoo bil kadib uu dib ugu soo laaba doono Dhuusamareeb, sidoo kale waxaa suurtagal ah inuu dego magaalada Baydhaba, halkaas oo meeshii uu degi lahaa looga diyaariyey, si looga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka As ee kooxda looga xoreynayo Galmudug, si Madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu soo laabto isagoo howlgalku gabagabo yahay ama soo dhamaaday.

Sidoo kale, inta uu joogo Muqdisho, Madaxweynuhu wuxuu qabsa doonaa howlo badan oo aan ka xusi karno qorsheynta wajiga labaad ee dagaalka oo kooxda looga xoreyn doono deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku maray Baydhaba iyo Xudur oo kala ah gobollada Bay iyo Bakool, wuxuu sahminayey hanaanka loo bilaabi karo wajiga labaad ee dagaalka, wuxuuna dagaalkaas ka hoggaami doonaa magaalada Baydhaba

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe