Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas Oo Ku Sugan Magaalada garoowe Ee xarunta Gobolka Nugaal Ayaa Dawladda Dhexe Ee Dalka Waxa Uu Ka Dalbanayaa Taageero Iyo Gurmad Ciidan.
Warqad Kasoo Baxday Xaafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Kuna Taariikheysan 16-kii Bishaan Ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Waxaa Looga dalbady In Uu Ciidan Gurmad Ah U Diro Puntland Si Ay Uga Qayb Qaataan Dagaalka deegaanka Tukaraq.
Sidoo Kale Madaxweyne Gaas Waxa Uu Dawladda Dhexe Ka dalbaday In Ay Bixiso 30 million Oo Lacag Ah Taas Oo Gunno Looga Dhigayo Ciidanka Maamulka Puntland.
C/weli Max’ed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland Iyo Sidoo KaleWaxa Uu Dalbay In Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay Lagala Tashado In la Baaro Halka Ay Soomaaliland Ka Keento Hubka.
Warqadda Kasoo Baxday Xaafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Waxa Ay U Qorneyd Sidan…
Horay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi Dawladda Soomaaliya Ayuu Ugu Eedeyey In Dabada-Ka Riixeyso dagaalka Tukaraq Inkastoo Ay Xusid Mudan Tahay In Madaxweyne Gaas Oo Shalay Beeniyey In Wax Garab Ah Ka Helayaan Dawladda Dhexe Iskuna Filan Tahay Puntalnd.
Dhinaca kale Xariiro kala Duwan Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland Si Aan Wax uga Weydino Warqadaan ayeysan Noo Suura-galin In Aan Qadka taleefanka Ku Haleelno.