Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaXisbiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo billaabay ololaha Doorashada

Xisbiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo billaabay ololaha Doorashada

Xisbiga Talada Jamhuuriyadda Jabuuti haya ayaa billaabay ololaha doorashada qabsoomaysa 10ka April 2026, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa gudagalay dhex galista dadka codaynaya si markale dalkaas u hoggaamiyaan.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa doonaya in uu ku guulaysto doorashadaan, waxa uu sameeyay ballanqaad kala duwan uu fulin doonno haddii uu ku guulaysto doorashada dhowaan qabsoomi doonta sida ay ku warrameen xubno katirsan Xisbigiisa.

Xisbi weliba waxa uu haysta waqti ku filan uu kusoo bandhigayo ololahiisa doorashada, goobaha loogu talagalay in uu taageerayaashiisa uu kula hadlo ayaa aad looga shaqeeyaa loona diyaariyaa si maalintiisa u wanaagsanaato.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu xilka dalkiisa hayaa 27 sano, waxaa jira xubno katirsan mucaaradkiisa oo ku dhaliilaya in uu marweliba ku shubto doorashada isla markaana la rogo natiijada dadka codaynaya inkasta oo uu iska fogeeyay eedahaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe