Tuesday, January 21, 2025
HomeWararXildhibaanada Hirshabeelle oo Cabsi ka muujiyay ku safridda Wadooyinka.

Xildhibaanada Hirshabeelle oo Cabsi ka muujiyay ku safridda Wadooyinka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa baqdin ka muujiyay ammaanka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, kadib weerarkii shalay ka dhacay banaanka degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe wadada u galay kolonyo galbineysay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxayna halkaasi ku dfileen xildhibaanada kala ah Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, sidoo kale waxaa weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Xildhibaanada MBaarlamaanka Hirshabeelle ayaa baqdin weyn ka muujinaya in ay ku safraan wadooyinka xiriiriya Jowhar iyo Balcad, iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tiran Mudanayaasha Hirshabeelle ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay door muuqda ka qaataan xasilinta gobolka iyo xaqiijinta ammaanka wadooyinka ay ku safraan masuuliyiinta Hirshabeelle.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka, Hirshabeelle keliya kuma filna nabadeynta degaanka, 24 saac diyaarad noo fadhida ma jirto, waxaan dowladda ka codsaneynaa in ay gacan naga siiso sidii ammaan looga dhigi lahaa wadooyinkan.” Ayuu yiri Xildhibaan Colow.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan kala duwan geysay wadooyinka qaar ee Shabeellaha Dhexe, balse waxaa socda weerarada Shabaab ay la eeganayaan masuuliyiinta Hirshabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe