Tuesday, August 11, 2026
HomeWararGudahaXasan Sheekh oo u safraya Dhuusamareeb

Xasan Sheekh oo u safraya Dhuusamareeb

Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, isaga oo halkaas uga sii gudbi doona deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Xananbuure kaga qeyb galo munaasabad lagu soo xirayo tababarka dhowr guuto oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah tababarradii ugu ballaarnaa ee hal mar loo soo gabagabeeyo cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu dardargelinayo dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in ciidamadeeda ay si tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, taas oo sare u qaadaysa baahida loo qabo in la kordhiyo tirada, tababarka iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka ay kamid yihiin mudnaanta dowladda, si ciidamada Soomaaliyeed ay u yeeshaan awood ay ku sugaan amniga dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe