Saturday, May 2, 2026
HomeWararDibaddaXasan Sheekh oo katacsiyadeeyey geerida ku timid Duqii hore ee Muqdisho

Xasan Sheekh oo katacsiyadeeyey geerida ku timid Duqii hore ee Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle, kaas oo maalmahaan xanuun sanaa, isaga oo ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna.

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed,” sida uu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale geerida ku timid Duqii hore ee Caasimadda Cali Ugaas Cabdulle ayaa waxaa ka tacsiyadeed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye Madaale ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle, isaga oo tilmaay in Marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad-dhiska Soomaaliya.

AHUN Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle waxa uu soo noqday Duqa Muqdisho sanadihii 1987-1990-kii ee dowladdii Kacaanka iyo Safiirka Talyaaniga sanadkii 2005-tii xilligii dowladdii KMG.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe