Home Warar Xasan Sheekh & Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Xasan Sheekh & Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

156

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Ee JFS ahna Hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Proff Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankabayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira geedi-socodka Doorashada 2020-2021, iyada oo Xasan Sheekh uu sigaar ah uga hadlay Qoor Qoor Guddiga doorashooyinka ee uu soo gudbiyay oo lagu dhaliilay in uu kusoo daray Xubno ka tirsan NISA.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay HSM ayaa si gaar ah loogu lafa guray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wada-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016, waxaa Magaalooyinka kamid ah Galmudug ka dhacay doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.