Sunday, May 31, 2026
HomeWararXal u raadinta dhinacyadii ku dagalaamay degaanka Haraale oo billowday

Xal u raadinta dhinacyadii ku dagalaamay degaanka Haraale oo billowday

Kullan ballaaran oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dagaal Beeleedkii ka dhacay degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balan-balle  ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaannada Baarlamaanka Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Beelaha dagaalamay oo colaadooda salka ku heyso dhul daaqsimeed & Baraago kuyaalla degaanka, wuxuuna ujeedkiisa ahaa sidii loo dhameyn lahaa Colaada daba dheeraatay ee labada Beelood.

Qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay iloobaan wixii ka dhex dhacay si aysan u imaan dhibaayooyin intaasi ka badan, waxaayna ku baaqaeen in si deg deg ah loo joojiyo dhaqaalaha iyo hurinta Colaada labada beelood.

Sanoter Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay iska dhex doorteen guddi ka kooban 7 Xubnood kuwaas oo u istaagaya inay kala dhex galaan dhinacyada dagaalamay si loo abuuro jawi nabadeed.

Muddo laba Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe