Xafladan oo ay ku qalinjabinayeen 22-Arday oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo bartay qiraa’aadka kala duwan ee Qurkaanka kariimka ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka degmada Cadaado, culimaa’udiin meelo kala duwan ka yimid iyo qaybaha kale ee bulshada.
Sheekh Axmed Cabdullaahi Cabdi oo ah maamulaha machadka Daaruculuum ee ardadan ay ka baxeen ayaa xusay in muddo 4-sano ah ay ka shaqaynayeen hawlaha dacwada Islaamka, maantana ay farxad u tahay inays oo saareen dafcaddii 1-aad ee baratay qiraa’aadka qur’aanka.
sheekh salmaan Aaden Axmed oo ah macalinka ardadan waxbaray ayaa madasha ku siiyey Ijaazada u fasaxaysa ardadan inay qur’aanka dadka kale sii baraan.
sheekh Maxamed Qani SHeekh Maxamuud, sh cabraxman sheekh axmed warsame iyo Sheekh Axmed Maxamed Sheekh Axmed Imaam ayaa kula dardaarmay ardada baratay Qur’aanka inay bulshada uga faa’iideeyaan
Guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Cabdixakiin Maxamed Cali ayaa dhinaciisa Culimada madasha ka qaybgashay ku bogaadiyey dacwada Islaamka ee ay wadaan, waxaana uu ka codsaday inay ka qayb qaataan horumarinta danaha caamka ah

