Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa cirka isku sii shareereysa xaaladda adag ee Magaalada Gaza kaas oo si toos ah usoo billaabatay 7dii Oktoobar 2023 kaddib markii Falastiin ay weerar gidaarada ay uga booday ay ku beegsatay saldhigyada Israaiil.
Isku dayo kala duwan oo weerar lugta ah ayaa saacadihii u dambeeyay ka fashilmay Ciidanka Israaiil kolkii iska caabbin xooggan ay kala hortageen Dhalinyarada Hubeysan ee Falastiiniyiinta ah oo jilbaha u dhigtay in ay kahortagaan isku daygaas.
Teleefishinka Al-Jazeera ayaa warbixintii ugu dambeysay ee uu kasoo gudbiyay xaaladda ka taagan Magaalada Gaza waxa uu sheegay in ciidanka Israaiil ay dib uga laabteen go’aankii ay ku damceen ku gelista Magaaladaas maadaama iska caabbin adag ay la kulantay.
Maamulka Isbitaalka Gaza ayaa markale kahor yimid dalab uga yimid Israaiil kaas oo la xiriira in ay isaga guuraan Isbitaalkaas si ay duqeyn ugu burburiyaan sabab la xiriirta in ay Yuhuuddu ku doodeyso in ay degen yihiin Madaxda Xamaas.
Saraakiisha Gacanta ku heysa Isbitaalka Gaza ayaa beeniyay hadalkaas iyaga oo dalabkii guuritaanka ee Israaiil u baddelay in haddii ay awood u leeyihiin lug ku tagaan Isbitaalkaas si ay usoo ogaadaan wararka been abuurka ah ee Yuhuudda is tusisay.
Dhanka kale, Saddex Dumar oo gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii Oktoobar 2023 ayaa fariin ay u direen Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa ay ka codsadeen in uu amar ku bixiyo joojinta duqeynta Yuhuudda ee Magaalada Gaza.
Waxa ay sheegeen xubno kamid ah Dadkii lala soo qafaashay (Afduubtay) in ay ku naf waayeen duqeynta Yuhuudda ay ku garaaceyso Magaalada Gaza, waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Netanyahu in uu xabadda joojiyo lana aqbalo maxaabiis is dhaafsiga.

