Monday, April 13, 2026
HomeWararDibaddaWiil dhallinyaro ah oo middi lagu dilay magaalada Hargaysa

Wiil dhallinyaro ah oo middi lagu dilay magaalada Hargaysa

Sida Booliiska Somaliland sheegay wiil 23 jir ah ayuu wiil kale oo 17 jir ahi middi ku dilay xalay abaaro 8:30 habeenimo, magaalada Hargaysa.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Sheekh Cumar ee Hargaysa ayaa lagu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar, kadib markii uu middi la dhacay Abshir Saleebaan Xuseen, oo ah wiilka dilka gaystay.

“Dedaal dheer iyo hawlgal ay sameeyeen ciidanka boolisku ayay kusoo qabteen eedaysanaha magaalada Wajaale iyo Gabilay dhexdooda halkaasi oo uu doonaayo ina uu ka talaabo xadka Somaliland iyo DDS” ayaa lagu yidhi warbixin uu booliisku soo saaray.

Dhanka kale, Ciidanka Boolisku ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysaneyaal kale oo la aaminsanyahay in wiilka dilka gaystay ay gacan ka siiyeen in uu dilka gaysto.

Eedaysanayaasha kale ayaa kala ah Cabdiraxmaan Farxaan Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20jir, Xamse Cabdilaahi Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir, Sayid Cabdiraxmaan Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir, Mustafe Cabdilaahi Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir.

Booliisku faah faahin kama bixin sabata keentay in wiilka dhintay la dilo, waxaana la rajaynayaa in faah faahintu dib kasoo baxdo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe