Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWeerar kale oo lagu laayey Al-Shabaab oo badan oo ka dhacay gobolka...

Weerar kale oo lagu laayey Al-Shabaab oo badan oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqayn lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan December, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo muujineysa in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Weerar kale oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sabtidii waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe