Sunday, April 20, 2025
HomeWararWeerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Weerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay dad Shacab ah oo isku qoys ahaa waxaa ay ku dileen agagaarka degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaas ayaa waxaa ay maleeshiyaadka ay Gurigooda ugu tageen dadka isku qoyska ah, iyaga oo dilay Hooyo Umul kujirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, kaas oo da’diisa lagu sheegay Saddex Sano jir, halka la dhaawacay haweeney qoyska kamid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.

Maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano ka tirsan degmada Warsheekh.

Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkaasi, waxaana uu sheegay in falkaasi uu ahaa mid arxan daran ,isla markaana ka fog Diinta Islaamka.

“Waxaan cambaareynayaa kana tacsiyadeynaya falka arxan darrada ah ee ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo Hooyo iyo labo carruur ay dhashay lagu dilay. Falkaas argagaxa leh waa mid ka fog diinta Islaamka in dad birimageydo ah oo Haween iyo carruur ah la dilo ayuu yiri” Xildhibaanka.

Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayuu ugu baaqay  inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas in aanay sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatayna in la soo qabto si  Cadaaladda loo horgeeyo.

Weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa kusoo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera  oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe