Thursday, April 24, 2025
HomeWararWax ka ogow sheekada ku hoos qarsan dagaalka Shabaab ay wado sanadaha...

Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsan dagaalka Shabaab ay wado sanadaha badan

Muddo ka badan shan iyo toban sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku haysay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howl-gallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay kooxahan soo dhaweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee Khawaarijta ee laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?.

Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay “Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,” ayuu yiri Abuu Ayaan.

Qof waliba oo Soomaaliyeed waxa uu si cad u og-yahay dagaalka Al-Shabaab ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Shabaab iyo kooxaha Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah, “Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay.”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe