Sunday, June 28, 2026
HomeWararGudahaWasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle oo xilka laga qaaday ka...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle oo xilka laga qaaday ka dib markii uu ka hadlay cabashada canshuuraha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Axmed Gacal, ayaa xilka laga qaaday, kadib markii ay soo baxeen hadallo dad badan ay ku dhaliileen qaabka loo maareeyo Canshuuraha ee Wadooyinka waaweyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxamed Axmed Gacal oo warbaahinta la hadlay ayaa qiray in ay sii kordhayso niyad jabka ay qabaan wadayaasha gaadiidka iyo gaadiidka xamuulka qaada oo uu ku tilmaamay canshuuro culus oo aan sharciyeysneyn. Waxa uu kula dar daarmay Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle in ay si rasmi ah u horgeyso siyaasad kasta oo ku saabsan tacriifada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi si ay u ansixiyaan ka hor inta aan lagu dhaqmin shacabka.

“Haddii ansixinta baarlamaanka la hareer maro, waxaa jirta khatar dhab ah oo ah in dadku ay diidaan inay u hoggaansamaan nidaamka kastamka Ceelcade, taasoo keeni karta qas iyo qalalaase,” Maxamed Axmed gacal ayaa ka digay inta lagu guda jiro hadalkiisa.

Hadalkiisa waxaa si deg deg ah u cambaareeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, oo wareegto rasmi ah uu ku shaaciyay xil ka qaadista Wasiirka. Madaxweynaha ayaa Maxamed Axmed Gacal ku eedeeyay in uu sameeyay “hadallo mas’uuliyad darro ah” oo uu wiiqayo hannaanka maamulka hirshabeele.

Arimtaan ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex dhalisay madaxda Hirshabeelle iyadoo ay socdaan dadaallo ballaaran oo dib loogu habeynayo canshuuraha iyo soo celinta kalsoonida shacabka ee maamulka hirshabeele.

Ilo wareedyo ka tirsan maamulka hirshabeele ayaa sheegay warbaahinta in maalmaha soo socda la magacaabi doono qofkii bedelilahaa wasiirkii xilka laga qaaday.

May be an image of text

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe