Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaWasiirka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Galmudug iyo mas"uuliyiin kale oo...

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Galmudug iyo mas”uuliyiin kale oo kormeeray Ceelasha biyaha degmada Cadaado.{sawiro}

Wasiirka wasaarada tamarta iyo khayraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Shire Galbeyte oo qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ku marayey safar uu ugu kuur galayo baahiya dhinaca biyaha ee ka jira Galmudug ayaa waxaa uu kormeeray ceel-biyoodyada ku yaala degmada Cadaado.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa kormeer ku wehliyey wasiirka, waxaana xog aruurin ay ka sameeyeen baahiyaha u baahan in si deg deg ah looga jawaabo si loo helo biyo nadiif ah, loona ilaliyo bad-qabka bushada iyo xayawaanka intaba.

Gabangabadii kormeerka Cabdiraxmaan Axmed Xirsi xoghaya dowladda hoose ee degmada Cadado ayaa uga mahad ciliyey wasiirka wasaarada tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug masuuliyadda uu iska saaray ogaansha baahiyaha biyood ee deeganada Galmudug ka jira, waxaana uu ka codsaday in wasaaraddu si dhaqsi ah ay uga jawaabto daruufaha wasiirku indhihiisa ku arkay.

Wasiirka wasaarada tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug Cabdulqaadir Shire Galbayte ayaa dhankiisa sheegay in deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka Galgaduud ay kormeerkan ka soo sameeyeen, ka wasaarad ahaana ay intii tabartooda ah wax ka qaban doonaan baahiya ay arkeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe