Sunday, March 23, 2025
HomeWararWasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo la kulantay Ergeyga Arrimaha Bani’aadanka ee...

Wasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo la kulantay Ergeyga Arrimaha Bani’aadanka ee UK

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta la kulantay ergeyga gaarka ee ka hortagga macluusha iyo arrimaha bani’aadanimada ee UK iyagoo ka wadahadlay sii horumarinta xiriirka iskaashi ee dalalka Soomaaliya iyo UK.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka ee dowlada federalka ayaa uga warbixisay wafdigan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Somaaliya gaar ahaan duufaanadii dhowaan ku dhuftay xeebaha dalka Soomaaliya.

Kulankan oo ku dhamaaday jawi is afgarad ayaa waxa uu ergeyga ka socday dowlada Britain uu sheegay in dowladiisu aysan waxba kala hari doonin sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay saameyeen duufaanada iyo fatahaadaha.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaarada gargaarka iyo xubno la socday wafdiga uu horkacayay Ergeygan sare oo ka tirsan dowlada UK.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe