Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiiro ka tirsan Dowladda Itoobiya oo ku aadanaa Heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Saraakiisha Itoobiya ayaa marar badan ku celceliyay in uu sax yahay heshiiska ay la galeen Somaliland, iyaga oo carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay gasho heshiiskaas. Heshiiskan oo la sheegay inuu dhacay horraantii sannadkan, ayaa ku lug leh in Itoobiya ay hesho biyaha Soomaaliya, taas oo beddelkeeda ay Itoobiya u aqoonsanayso Somaliland dal madax-bannaan. Somaliland oo ah gobol ku dhawaaqay madax-banaanideeda ayaa in muddo ah raadinaysay aqoonsi ka gooni ah Soomaaliya, mowqifkaas oo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeedo.
Wasiir Noor oo ka jawaabaya waxa uu ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhaya Wasiirada Itoobiya kuwo marin habaabin ah oo dhalanteed ah, loogana dan leeyahay in laga faa’iidaysto siyaasadda gudaha halkii ay ka muuqan lahaayeen isbedel la taaban karo oo ka dhaca dhulka. “Farriimaha marin habaabinta ah ee ay Wasiirada Itoobiya ku baahinayaan baraha bulshada waa riyo xun. Itoobiya way og tahay in aanay qaadan karin dhul Soomaaliyeed, qof soo jeeda oo (isla markaasna) riyoonaya waa la garanayaa, riyooyinka noocaas ah natiijada ka soo baxdana waa la garanayaa halka ay ku dambeeyaan!” Ayuu yiri Wasiir Nuur. Waxa uu ku nuux-nuux saday in heshiisyada noocaan ah aysan wax sharci ah ku jirin, waxa uuna ka digay in ay dhici karaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah u cambaareysay heshiiskan, iyadoo u aragta mid halis toos ah ku ah madax-banaanideeda iyo dhulkeeda. Heshiiskaasi weli ma hirgelin, inkasta oo ay yididiilo ka muujiyeen Itoobiya iyo Somaliland, haddana mucaaradnimada adag ee Soomaaliya waxay abuurtay caqabad weyn.
Horumarkan ugu dambeeyay wuxuu hoosta ka xariiqayaa xiisadda ka taagan Geeska Afrika, halkaasoo murannada dhuleed ee taariikhiga ah iyo rabitaanka siyaasadeed ay sii hurinayaan xasillooni darrada gobolka. Mawqifka dawladda Soomaaliya waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in ay dhawrto midnimada dhuleed ee ka soo horjeeda heshiis kasta ama aqoonsi kasta oo ay u aragto in aanu sharci ahayn.

