Monday, May 11, 2026
HomeWararWasiirka Gaashaandhigga XFS: “Waxaa naga go’an dhismaha Hay’ado Difaac oo tayo sare...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS: “Waxaa naga go’an dhismaha Hay’ado Difaac oo tayo sare leh”.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada uu ku ansixiyay heshiisyo Militari oo uu la galay waddamada Suudaan & Uganda.

Qorshahaan waxa uu Soomaaliya ka gacansiinayaa sidii ay u heli lahayd taageero ciidan & dhismaha Hay’ado Difaac oo tayo sare leh sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka.

Wasiir Cabdulqaadir oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook kaddib kulankii Golaha Wasiirada XFS waxa uu ku bogaadiyay in uu ansaxay qorshaha iskaashiga arrimaha difaaca ee uu la galay Suudaan & Uganda mar haddii loo codeeyay.

“Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo caawa meelmariyay heshiisyo  isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca  oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh. Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda. Waxaa naga go’an dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiisyo lagu xoojinayo dhismaha difaac tayo leh & iskaashiga arrimahaas la galay Suudaan & Uganda, waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay mid muhiim u ah Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe