Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Dalkaas si uu markale ugu soo laabto xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Dalkaas.
Trump ayaa khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa waxa uu u sheegay in uu markale u taagan yahay in uu hoggaamiyo Mareykanka taasina ay u tahay sharaf & qiima sare oo uu ku gaaray muddadii uu Aqalka Cad joogay.
Donald Trump ayaa tilmaamay in uu dib usoo labakacleeyay isla markaana uu doonayo in uu noqdo Madaxweynaha 47aad ee Dalkaas haddii uu ku guuleysto Doorashada dhaceysa dhammaadka 2024ka.
“Mudanayaal, Marwooyin & Martida sharafta qiimaha leh waxa aan doonayaa in aan ku dhawaaqo musharraxnimadeyda 2024ka, waxaa dib usoo laabatay Ameerika Xooggan oo aan la socdo Muwaadiniinteena” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ayaa xilka uga degay si aan hab maamuus ahayn kaddib markii lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa weerar taageerayaashiisa ku galeen Aqalka Baarlamaanka.
Arrintaas ayaa fadeexo ku noqotay oo waxa uu gaaray heer aan lagu maamuusin in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynihii ka guuleystay ee Joe Biden, waxaa intaas dheer in ciidan katirsan Hay’adda FBI ay galeen gurigiisa kana soo qaadeen “Warqado sir qaran ah” oo maxkamad ay diiday in lasoo bandhigo.

