Thursday, June 4, 2026
HomeWararGudahaWasiirka Gaashaandhigga XFS & Guddoonka Maxkamadda CQS oo Baraawe u tegay xal...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Guddoonka Maxkamadda CQS oo Baraawe u tegay xal u helista dagaal ka dhacay Degmadaas.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe xarunta Dastuuriga ah ee DG Koofur Galbeed.

Ujeedka mas’uuliyiintaan ay u tagaan Magaalada Baraawe waa xal u helista dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Xoogga iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeedku dhexmaray Magaaladaas.

Waxa ay warbixinno ka dhageysteen Taliyeyaasha Ciidamadaan si ay uga xog-warramayaan sida uu u dhacay Iska hor imaadka labada Ciidan ee sababay dhimashada, Dhaawaca iyo Burburka Hanti sida Mustaqbal ay u sheegeen Ilo xog ogaal ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wadaa in uu soo diyaariyo Warbixinta eedeynta Dadka loo heysto kiiskaan in ay ku lug lahaayeen si loo horgeeyo Maxkamadda Ciidamada.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook kusoo qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayuu ku muujiyay in go’aan uu soo bixi doonno balse ma bixin faah-faahin intaas dheer.

“Baraawe mar dhow ka fisha kheyr badan, Insha allaah” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Guddi Xildhibaanno ah ayuu horay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u magacaabay xog-uruurinta dhacdadaan oo buuq ka dhex dhalisay mid kamid ah fadhiyada Golahaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe