MUQDISHO (KAAB TV) – Qudbad kulul oo uu jeediyay dhamaadkii todobaadka ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Jaamac, waxa uu weerar afka ah oo aan noociisa hore loo arag ku qaaday dowladda Mareykanka iyo Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da, kaddib warbixin ay soo bandhigtay. Halgankii Soomaaliya ee ka dhanka ahaa ballaarinta Al-Shabaab.
VOA-da oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka, ayaa dhawaan sheegtay in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ka laabatay dhammaan guulihii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen gobollada dhexe ee Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay gacan saar la leeyihiin Xuuthiyiinta si kor loogu qaado awoodooda.
Arrintan ayaa ku soo beegantay dhowr bilood ka dib markii dowladda Mareykanka ay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay raashiinka iyo shidaalka ciidamada Soomaaliya, sababo la xiriira xatooyo baahsan oo loo geystay kheyraadkaas.
Jaamac oo ahaa taliyihii hore ee xagjirka ahaa, isla markaana u soo wareegay dowladda, iyadoo aan loo marin sifo sharci ah, ayaa caro ka muujiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Wuxuu si kulul u dhaleeceeyay dowladda Mareykanka iyo VOA, isagoo ku sifeeyay inay yihiin “ dulin dhiig-jaq ah” oo ka faa’iideysanaya nasiib-darrada Soomaaliya.
“Kulankan dhiigga jaqaya waxay u nool yihiin inay ka faa’iidaystaan dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed, waxayna u badan yihiin ajaanib. Waxa ay ku maamulaan xogta idaacadaha, TV-yada iyo mareegaha sida VOA-da, iyaga oo sheegaya in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaano ay qabsadeen ciidamada Soomaaliya. Ujeedadoodu waa in Soomaaliya aysan marnaba mas’uuliyad iska saarin oo ay mar walba ku sii jirto ammaankeeda shisheeye. Waanu ka adkaan doonnaa cadawga dhiigga jaqaya, ee ajaanibka ah,” ayuu yidhi Jaamac.
Faallooyinka Jaamac ayaa si gaar ah u mudan marka la eego taariikhdiisii hore. Sannadkii 2009-kii, waxa uu ka mid ahaa Xagjiriintii Al-Shabaab ee ku jiray Midowgii Maxkamadaha Islaamka, kuwaas oo qabsaday isla dhismihii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho, isla markaana doonayey in ay afgembiyaan dawladda Faderaalka, iyaga oo ku tilmaamaya hoggaamiyayaasheeda kuwo “Murtad ah”.
Mareykanka ayaa si weyn u taageera dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, isagoo tababaro iyo dhaqaale siiya ciidamada Soomaaliya.
Wadashaqeynta soo jireenka ah ee Washington ayaa ka dhigtay hadallada qallafsan ee Jaamac in ay aad uga naxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo u arka in Mareykanka uu yahay saaxiib muhiim ah oo la dagaallama argagixisada.
Isagoo ku nuux-nuux saday in Soomaaliya maanta ay aad uga duwan tahay sidii hore, Jaamac waxa uu ku dhawaaqay, “Waxaan u sheegayaa in Soomaaliya hore u martay, dibna aysan u soo noqon doonin. Nama fara gelin doontid. Wax kasta oo aad ku cuni lahayd magacayaga ma dhacayaan. Uma isticmaali doontid magaceena si aad dhaqaale uga raadsato aduunka adigoo xumaynaya muuqaalkeena.

Isagoo la hadlayay Dowladda Mareykanka, Jaamac wuxuu caddeeyay in Muqdisho ay si buuxda u qaadi doonto mas’uuliyadda ciidamadeeda. “Waan isku filnaan doonnaa. Ciidankeena qaranku wuxuu qaadi doonaa masuuliyada amniga. Waxay ku jiraan diyaargarow maskaxeed iyo mid jireed. Kooxahaas, waxaan ku idhi: cadhadaada la dhiman. Annagu diyaar baannu u nahay, oo mar dhow baannu xukumi doonnaa baddeenna iyo dhulkeenna,” ayuu ku dhawaaqay.
Jaamac waxa kale oo uu dhaliilay siyaasiyiinta mucaaridka ah oo uu ku sifeeyey shaqsiyaad aan jeclayn in dalku horumar gaadho.
Maalmo ka dib, Safiirka cusub ee Mareykanka, Richard Riley, wuxuu Muqdisho kula kulmay Wasiir Jaamac. Ma cadda in faallooyinka Jaamac ay qayb ka ahaayeen doodahooda.
Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la xiriirta hadalka Jaamac.

