Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaWasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Xoghayaha...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badbaadada Waddooyinka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Bashiir Macallin Cali Xasan, ayaa kulan la qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badbaadada Waddooyinka Jean Todt.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado iyo in si dhow la isaga kaashado fulinta howlaha ka hortagga ah ee lagu yareynayo shilalka waddooyinka iyo kor u qaadista amniga waddooyinka Soomaaliya.

Waxayna isla garteen baahida loo qabo in la sameeyo shuruuc ku saabsan badqabka waddooyinka si loo kordhiyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Cigaal waxa uu uga mahad-naqay Ergeyga gaarka ah sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadgelyada waddooyinka Soomaaliya. Waxa ay carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhow oo dhex marta dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay si loo gaaro yoolkan.

Nabadgelyada Waddooyinka ayaa ah arrin halis ah oo ka jirta Soomaaliya, halkaasoo shilalka waddooyinka ay sababaan dhimasho iyo dhaawac.

Dejinta shuruucda badbaadada waddooyinka iyo hirgelinta tallaabooyinka ka hortagga ah ayaa ah tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah dhimista tirada shilalka iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka dhexmaray Wasiir Cismaan Cigaal iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhigan tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta nabadgelyada waddooyinka Soomaaliya.

Haddii si wadajir ah loo wada shaqeeyo, Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay waxay saameyn weyn ku yeelan karaan dhimista shilalka waddooyinka iyo ilaalinta nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

6 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe