Home Warar Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland oo iscasilay

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland oo iscasilay

93

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland  ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi.

Mudane Yasiin ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay ii sheegeen illo-xogogaal ah.

Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa.

Waa mas’uulkii labaad ee maanta iska casila xukuumadda Biixi, si ay isugu sharraxaan Wakiillada.