Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWasiirka arimaha Gudaha Somaliya oo fashil kala kulmay Dhuusamareeb

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliya oo fashil kala kulmay Dhuusamareeb

Waxaa fashil kusoo dhamaday kulamo shalay ilaa xalay kasocday magaalada Dhuusamareb ee Casimada Galmudug kuwaa oo ay lahaayeen wasiirka Arimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta Xukumada Federalka Soomaaliya, iyo garabka Ahlu Sunna oo uu wehliyo Madaxweyne Xaaf.

Wasiirka ayaa u yimid deegaanka sidii dadka Galmudug la iskugu keeni lahaa oo loo miday lahaa kadibna doorasho xalaala deegaanka uga dhici lahayd,waxaana uu Intaa kudatay inaysan suura gal ahayn in shakhsiyaad gaara deegaanku u afduubnaado.

Balse Wasiir Sabriye ayaa garabka Ahlu Sunna iyo Xaaf hor dhigeen sharuudo ka kooban sidaan

Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa soo jeediyay 3 shuudood kuwaa o kala ah:

1-In dowladu ufasaxdo lacagta taageerada ah ee kaxaniban.

2-In dhismaha Dekada Hobyo loo bilaabo.

3-In dastuurkiisa dowladu aqoonsato.

Halka hoggaamiyasha Ahlu Sunna ay soo jeediyeen:

1-In $ 4Million oo dollar lasiiyo taa oo ay kusheegeen magdhaw dadkii dhintay.

2-In sadexda sano ee soo socota ay sidooda deegaanka umaamulaan.

3-In ciidamo aan lakeeni Karin deegaanka hadii dowladu fuliso qodobka hore.

Ugu dambayn wasiirka arimaha Gudaha Somaliya sabriyee ayaa aroornimadii hore ee saaka kaduulay garoonka diyaaradaha Dhuusamareb,waxaana sidaas ku fashilmay wadahadaladii shalay soo bilowday

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe